
Miyaa lagu diiday codsigaagii sharciga joogitaanka waddanka? Dhibaato ma kaa haysataa sharciga joogitaanka ama halis ma ugu jirtaa in lagaa tuuro Noorway?
Shirkadda Qareennada ee Sulland (Advokatfirmaet Sulland) waxay takhasus gaar ah u leedahay shuruucda arrimaha ajnabiga. Waxannu gacan ka geysanaa kiisaska go’aamadoodu ka soo baxaan Hay’adda Arrimaha Ajnabiga (UDI) ama Guddida Arrimaha Ajnabiga (UNE), isla markaana waxannu gacan ka geysanaa in kiisaska arrimaha ajnabiga loo gudbiyo maxkamadaha.
Nala soo xiriir si aannu si shuruud la’aan ah kuugu qiimayno kiiskaaga. Qaar ka mid ah kiisaska arrimaha ajnabiga waxaad xaq u yeelan kartaa in lagaa bixiyo kharashka qareenka (looyarka). Waxannu eegi karnaa in kiiskaagu yahay kiis noocaas ah.
Tusaalooyin ka mid ah kiisaska aannu kaa caawin karno:
- Magangelyo
- Waddan ka saaris, joojinta iyo kala noqoshada sharciga joogitaanka (sharci joogitaan oo lala noqday oo meesha ka baxay)
- Fiise
- Muwaadinimo iyo muwaadinimo la’aanta (marka la waayo waddan qofka siiya waraaqo aqoonsi ama si kale u caawiya)
- Midayn qoys (isu keenis qoys)
- Sharciga lagu shaqaysan karo
- Xaqa joogitaanka ee dadka degan Waddamada Aaga Dhaqaalaha Yurub iyo xubnaha qoyskooda
- Dhukumentiga safarka iyo baasaboorka ajnabiga